Murcanyo

Ka Wikipedia

Murcanyo waa magaalo xeebeed ku taal waqooyiga bari gobolka Bari ee Soomaaliya . Waxay ku taalaa maamul goboleedka Puntland .


MURCANYO IYO TAARIIKHDEED :

murcanyo waxay leedahay taariikh fac wayn oo ku siman xiligii faraacinada, wana dhulkii ay boqoradii fraacinada ee dalka masar oo la Oran jiray xatasbashuut soo dirty kooxdii doonaysay maydiga, iyo beeyada, aana dalalkii ugu horeeyey ee soomaliya ganacsi la yeesha dhinaca maydiga,  waxayn u bixiyeen ( dhulkii uduga) (puntland)

hadaan wax yar kazoo qaadano tariikhda dhaw, murcnyo waa deegaanada ugu faca weyn,  majeerteenia taasoo uu ku xusay sayidku gabaydiisa,

murcanyo waxay degmo suga ahay ilaa laga soo bilaabo calan saarkii 1960kii  

muranyo marka laga hado taariikh asaaskeeda waxaa Assaasay nin la oran jira ( nuun Cismaan Xaamid)  oo aahaa beesha wadalmoge, Oo meesha udegey in uu noqdo nin u kala dullaala carabtii gancasatada ahayd iyo dadkiisii reer guuraaga ahaa, mudadaa kadib waxaa waxaa qiimo weyn yeeshay maydiga iyo beeyada, taasoo keentay in beeluhu isku qabqabsadaan sooh dimah Xijiyada taasoo keentay in beesha wadamoge iyo siwaaqroon isku qabsadaan xijiyada, intaa kadib boqor cisaan usoo diray gudi dhexdhexaadiya Labadaa beelood, oo ka mid ahaa faatax si ay ugu kala xadeeyaan xijiyada khilaafkana u soo af jaraan,  gudigii markay xaliyeen waxay ku laabteen baargaal iyo xaruntii, marka laga reebo faatax oo ladegay nuun cismaan xaamid Magaalad murcanyo,  waxay kawda shaqaysan jireen inay dulaalaan doonyaha carabta iyo reer miyiga,  waxayna si wada jira uqodeen ceelka caanka ah ee loo yaqaano tayeega ay magaaldu ka cabto hada,

murcanyo waxay caan ku ahayd barashada diinta islaamka, iyadoo lahayd culimo tiinta bara sida sheekh xaaji Cali yuusuf,  iyo sh xaaji xuseen.

waxay kaloo muranyo ka qayb qaadatay gobanimo doonkii soomaaliya iydoo shacabkeedu diiday kana dagaalay soo noqosadii talyaanigii labaad iyadoo ay kamid ahayd maagaalooyinkii talayaanigu gaaliiladaha ku duqeeyey 1950kii, ragii u halgamay waa kamida ahaa dhiigana uhuray geesigii : sagaale oo ay saagaal xabadood ugu dhacday xoriyada darteed.

murcanyo hada waa degmo lehna goobo wax barasho 2 school  1 MCH,  waana maxayna ka mid tahay degmooyinka soo koraya sida xawliga ah na udhismaya

waxayna maamushaa deegaamo badan

waxana ilaah kuminaystay khayraad kala duwan

mhsnidiMuuse.

Maamulka[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Bishii Abriil 8, 2013, dawladda Puntland waxay ku dhawaaqday abuuritaanka iskaashi goboleed cusub oo lala yeelanayo magaalada Murcanyo iyo Raas Caseyr, iskaashi goboleedkaas oo loo magacaabay Gees Gardafuul, waxayna ka kooban tahay 4 degmo. Cabdiraxmaan muuse cumar ayaa dowlad goboleedka u magacaawday in uu noqdo duqa degmada murcanyo, wuxuuna abuuray golaha degmada. Waxaa jira 9 tuulo hoostaga degmada murcanyo oo kala ah:

Gars, Qajawe, Dhurbo, Galgala Geesaley, Xaabo, Tayeega, Hoodaa, Haqeyn.